Ustaad Cabdi Risaaq Mursal oo ku guuleystay deeqda PHD ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Ustaad Cabdirisaaq Mursal oo ka mid ah barayaasha Kulliyadda Sayniska Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa kamid noqday kuguuleystayaasha deeqda madaxweynaha Jamhuuriydda ee PHD.

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarunta Madaxtooyada Qaranka uga qayb galay Munaasabad lagu shaacinayay 40 Arday oo ku guuleystay waxbarashada bilaashka ah oo heer PhD ah ayaa kula dardaarmay in ay si hufan uga faa’iideystaan fursaddan muhiimka ah, si ay bilow ugu noqdaan Jiil dadkooda uga faa’iideeya soo saarista kheyraadka ka buuxa Baddeenna.

Mashruucan oo ay fuulintiisa iska kaashanayaan Jaamacadda Nabadda ee Qaramada midoobay (UPEACE) iyo Hay’adda kheyriga ee Qatar (Qatar Charity) ayaa qayb ka ah qorshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka iyadoo oo ay fursaddan ka faa’ideysanayaan Jaamacadaha dalka, hay’adaha dawladda Federal iyo kuwa Dawlad-goboleedyada.

Ustaad Cabdirisaaq Mursal ayaa kamid ah barayaasha waqtigooda u huray u gudbinta cilmiga ardayda wax ka barata Jaamacadda Ummadda.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top