Prof. Dr. Hassan A Hussein oo ka mid ah profasoorada kulliyadda sayniska qeybteeda jiloojiyada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaan lagu martiqaaday cilmibaaris Jiyoolaji taas u dhaxeysa Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Khalifa ee imaaradda Abuu Dhbai, iskutagga Imaaraadka carabta.
Dr. Hassan ayaa “Visiting researcher ka ahaan doono Jaamacadda Khalifa ilaa Febraayo 2025. Wuxuu kala shaqeyn doonaa jaamacadda Khalifa seddex mashruuc oo jiyoolaji ah.
Tani waxay u tahay Jaamacada Ummada guul weyn iyada oo ka soo dhex muuqaneysa jaamacadaha Caalamka.