Dufcada koowaad ee kulliyadda Sayniska oo difaacanaya buugga qalinjebinta.

Dufcadii ugu horeysay ee kulliyadda Sayniska tan iyo markii dib loo furay jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed burburkii kadib ayaa maanta u bilowmay difaacashada buugga qalinjebinta.

Munaasabadda buug difaacashada oo socon doonta muddo 3 maalin ah ayaa waaa maanta gobjoog ka ahaa hormuudka kulliyadda , madaxda maamulka kulliyadda, madaxda waaxyaha kulliyadda iyo macallimiin, waxayna ardayda qalin jabineyso soo bandhigeen bandhigooda ku aadan buugaagta qalinjebinta.

Ardayda dufcadda koowaad ee kulliyadda Sayniska ayaa isugu jira qeybaha cilmiga Badda (Marine) iyo culuumta dhulka (geology).

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top